Taliye Sahal iyo Taliyaha ciidanka Xerada Turkisom oo tagay Gobolka Shabeelada Hoose.

0
9

Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka sareeye guuto Sahal Cabdullahi Cumar iyo Jeneraal Sebahattin Kalkan taliyaha Ciidanka Turkiga ee fadhigoodu yahay Turkisom Muqdisho ayaa gaaray deegaano ka tirsan gobolka Shabellaha hoose.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada ee ku sugan deegaanka Number 50 ee gobolka Shabellaha hoose.

Intaa ka dib, Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga dalka iyo Janeraal Sebahattin waxay booqdeen halka laga dhisayo isbitaalka deegaanka Number 50, iyaga oo bogaadiyay mashruuca dhismaha iyo faa’iidada uu u leeyahay bulshada deegaanka.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa ciidanka kala hadlay dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab.