Ciidanka Masar ee qaybta ka noqonaya Howlgalka AUSSOM

0
6

Talaado, 26 Aug 2025 {RC} Waxaa tababar loosoo xiray ciidamo kamid ah kuwa Dalka Masar ee qaybta ka noqonaya Howlgalka Midowga Afrika Soomaaliya ee AUSSOM, ciidankaan ayaa dhowaan si rasmi ah ugu biiraya howlgalkaan iyada oo la geynayo goobta loo asteeyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa rajo ka muujisay in ciidankaan cusub ay wax kusoo kordhiyaan howlgalka AUSSOM, waxa ay intaas kusii dartay Wasaaraddu in ay rajeyneyso in aqoontooda kusii biirayaan howlgalkaan.

Soomaaliya ayaa kulmineysa Ciidamada Masar iyo Itoobiya oo Dowladahooda xurguf siyaasadeed ka dhaxeyso taas oo ka dhalatay isticmaalka Biyaha Nile, waxa ay kuwada jiraan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.