Munaasabadda lagu maamuusayay Aasaaska Galmudug oo Dhuusamareeb lagu qabtay

0
8

Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa ka dhacday munaasabad lagu maamuusayay aasaaska Maamulkaas oo ku beegan 14ka Agoosto, waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin isugu jirta heer federaal iyo heer dowlad-Goboleed.

Sidoo kale, Munaasabadda waxaa ka qaybgalay boqolaal kamid ah Shacabka Magaalada Dhuusamareeb iyo marti Magaaladaas u tagtay ka qaybgalka munaasabadda 14ka Agoosto oo ah markii la aasaasay Dowlad-Goboleedkaas.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo ka hadlay howlaha adag ee Dowlad-Goboleedka Galmudug loosoo maray sidii loo aasaasi lahaa loona xoojin lahaa dhismaha Maamuleed, waxa uu ku baaqay in la garab istaago maamulkaas.

Mas’uuliyiin katirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka oo dhankooda madasha ka hadlay ayaa bogaadiyay isku duubnimada reer Galmudug ay muujiyeen, waxa ay soo jeediyeen in la kordhiyo garab istaagga maamulkooda.