Putin & Trump oo maanta kulmaya, Zelensky oo diidan in qayb kamid ah dhulkiisa uu waayo

0
8

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta la kulmaya dhiggiisa Maraykanka Donald Trump si ay uga wada xaajoodaan colaadda waqtiga dheer taagan ee saameynta taban ku reebtay qaaradda Yurub iyo dunida inteeda kale.

Kulankaan oo ka dhacaya Alaska ayaa diiradda lagu saaraya sidii Ruushka uu usoo gabagabayn lahaa dagaalkaan, Donald Trump ayaa miiska dhigaya in qayb kamid ah dhulka Ukraine uu ka baxo halka gobollada qaar uu qaado.

Putin ayaa diidan in lasoo afjaro dagaalka iyada oo aanay la fulin qodobada uu hordhigayo dhiggiisa Kyiv sida in ay baabi’iso Ciidamada Militariga, joojiso kaalmada shisheeye, weerarrada ka dhanka ah Ruushka iyo kuwo kale oo adag.

Trump waxaa damaciisa uu damacsan yahay in uu kusoo afjaro colaaddaan ku diiday Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo si cad u sheegay in aanay marbana dalkisia dhiibi doonin ama ka tanaasuli doonin taako kamid ah ciiddiisa.