Shir Muqdisho uga socda Xubnaha Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta

0
8

Khamiis 14, Aug 2025 {RC} Waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulan ay leeyihiin xubnaha Mucaaradka ee lagu magacaabo golaha samatabixinta, kaasi oo ay uga hadlayaan xaaladda dalka.

Kulanka ayaa daba socdo shirar is daba joog ah oo ay bilihii la soo dhaafay la lahaayeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Sida ilo ku dhow kulanka ay sheegayaan Mucaaradka ay ka arrinsanayaan waxyaabahihii ay kala kulmeen Madaxweyne Xasan Shiikh ee shirkii shalay ka qabsoomay Villa Soomaaliya.

Kulankaasi shalay ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, waxaana hareeyay doodaha la xiriira wax ka badalka Dastuurka gaar ahaan cutubka 4-aad oo dhigaya Doorashooyinka iyo awoodda dowladda.

Xubnaha Mucaaradka ayaa la filayaa in ay warbaahinta la hadlaan, iyagoo faahfaahin ka bixin doono tabashadooda iyo qaddobada la isku hayo.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa bilihii la soo dhaafay isku dayay in la xalliyo tabashada xubnaha Mucaaradka, si dalka ay uga dhacdo doorasho lagu wada qanacsan yahay.