Talaado 12, Aug 2025 {RC}Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta xarriga ka jaray afar waddo oo laami ah oo dhexmara waaxda Oktoobar Degmada Hodan.
Muungaab oo dhinac taagnaa Guddoomiyaha Degmada Hodan Cali Fahle ayaa bogaadiyay Maamulka Degmadaas, Ganacsatada, qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo cid weliba oo kaalin ka qaadatay dhismaha waddooyinkaan.
Duqa Muqdisho waxa uu intaas ku daray in Maamulka Gobolka Banaadir uu dhinac taagan yahay qorshaha dib u dhiska waddooyinka waa weyn ee Caasimadda iyo kuwa dhexmara xaafadaha oo qayb ka ah bilicda.
Degmada Hodan waxaa dib u dhis lagu sameeyay qaar kamid ah waddooyinka dhexmara iyada oo la saaray laami iyo interlook kuwaas oo fududeeyay isu socodka Gaadiidka iyo Dadka inkasta oo weli ay dhiman yihiin jidad kale oo qaarkood la dhagax-dhigay.