Hay’adda WFP oo yareysay kaalmada ay ku bixiso Xeryaha Kaakuma & Dhadhaab

0
11

Talaado 12, Aug 2025 {RC}Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostagta WFP ayaa ku dhawaaqday in ay sii dhintay gargaarka bani aadamnimo ay siiso qaxootiga isugu jira Soomaalida iyo Suudaaneeska ee ku nool xeryaha Kaakuma iyo Dhadhaab ee Dalka Kenya.

WFP oo markii horay dhintay 60% ayaa markaan gaarsiisay 80% oo ka dhigeysa in qoysaska qaarkood aanay xitaa heli Karin kaalmo dhinaca cuntada ah, sababta go’aankaan cusub waxa ay ku sheegtay in culeys dhinaca dhaqaalaha ah uu soo koray.

Hay’addu kama gamban in ay si toos ah u sheegto xaaladda ka dhalatay kaalmada ay ka jaratay Waaxda Horumarinta Dibadda Maraykanka ee USAID, waxaana intaas sii dheer colaadda ka jirta dunida oo sii korortay sanadihii u dambeeyay.

Haweenka Uurka leh iyo Dadka baahiyaha gaarka ah qaba (Naafada ah) ayay Hay’addu sheegtay in kaalmadeeda siineyso 60% halka dadka kale ee leh fursado ay ku sameysan karaan dakhli soo gali kara ay ka jartay 80% deeqaha ay siineysay.

Labadaan xero ee Kaakuma & Dhadhaab waxaa ku nool dad gaaraya 800,000 oo Soomaali iyo Suudaanees ah, waxa ay dalalkooda uga tageen colaadda ka jirta iyo xaaladaha kale ee dhinaca bani aadamnimada sida lagu sheegay bayaanka hay’adda WFP.