Ukraine oo kulanka Trump & Putin ku tilmaamtay mid lagu qaybsanayo dhulkeeda

0
10

Talaado 12, Aug 2025 {RC}Mas’uuliyiin katirsan Ukraine ayaa ka niyad-jabay hadalka muddada labada jeer uu sheegay Madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump ee ah in dhulka Ruushka uu xoogga uga qabsaday in qayb kamid ah lasoo celin doonno halka inta kale uu qaadan doonno dalkaas.

Kulanka Jimcaha ee dhexmaraya Donald Trump iyo Vladimir Putin oo markii hore muhiimad gaar ah u lahayd dalka Ukraine ayay micno la’aan u noqotay kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka oo wax laga weydiiyay dhulka Moscow qabsatay uu bixiyay jawaabtaas.

Waxaa kale oo miiska saaran in Ruushka uu doonayo sidii Ukraine ay u baabi’in lahayd ciidankeeda Militariga, tani waxa ay si cad uga hor imaaneysaa haddii uu Maraykanka aqbalo qorshaha is difaacadda Kyiv sida ay sheegeen mas’uuliyiin kala duwan.

Ruushka ayaa horay u qabsaday qaybo kamid ah dhulka Ukraine, waxa uu kala kulmaa iska caabbin culus dadka degen, ciidamada Ukraine oo inta badan ku fuliya weerarrada dhinaca diyaaradaha duulliye la’aanta iyo dalalka reer Galbeedka oo Moscow culeys saaraya.