Talaado 12, Aug 2025 {RC}Guddoomiyaha Awdiinle, Ibraahim Maxamed Ibraahim (Kalaay) iyo ku-xigeenkiisa Cabdullaahi Maxamed Cumar, ayaa maanta Awdiinle ku soo dhaweeyey wafdi u yimid sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda horumarinta ee ka socota Awdiinle, ayna qayb uga noqdaan qorshaha ballaaran ee horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Xildhibaan Ibraahim Xaaji,oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Koonfur ahna Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed.
Nuur Diin Shan Tiris, oo ka socday Guddiga Dastuurka Qaranka iyo cabdirashiid, oo ka socday Waaxda Caafimaadka Koonfur Galbeed.
Guddoomiye Kalaay ayaa ku adkeeyay in horumarka Awdiinle uu ku xiranyahay midnimada shacabka, taageerada dowlad goboleedka iyo ka qeybqaadashada dhammaan qaybaha bulshada, isagoo xusay in Awdiinle ay diyaar u tahay inay noqoto tusaale muuqda oo horumar waara laga hirgeliyo Koonfur Galbeed.



