Banaanbax ka dhan ah Qaraxii Zoobe oo ka dhacay Cadaado (SAWIRRO).

0
1453

Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa ka dhacay Banaanbax, kaasi oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan bulshada oo ay ugu horeeyaan Ardayda iyo Haweenka.

Banaanbaxayaasha oo marooyin guduudan ku soo xirtay Madaxyadooda ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo ay kaga soo horjeedaan Qaraxii Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Banaanbaxan oo ay ka qeyb galeen maamulka degmada ayaa Dibadbaxayaasha waxa ay u duceeyeen dadkii ku waxyeeloobay Qaraxan,

Maamulka degmada iyo dhalinyarada qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhibaatada ay la qeybsanayaan walaalaha Soomaaliyeed ee Musiibada ay ku dhacday, iyaga oo tilmaamay in ay ka qeyb qaadan doonaan gurmadka socda.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa maanta sheegay inay korortay Tirada dhimashada isagoona sheegay inay hada mareyso 281, halka dhaawaca ku dhawaad uu marayo 300, Wuxuuna sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay bixisay lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar oo lagu caawinayo dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxaasi.

Xaquuqada Sawirada Wariye Nuuradiin Nadka

 

W/Dh. Wariye Jile jaamac jile