Khamiis 31 July 2025{CBB}Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Xudur isagoona kala hadlay Xoojinta isku xirnaanta bulshada, Maamulka iyo laamaha Amniga kor u qaadista wadashaqaynta ka dhaxaysa bulshada, iyo u diyaargarowga hawlgal dib loogu xureynayo dagmooyinka Tiyeglow iyo Rabdhure iyo u diyaar-garowga Doorashooyinka ugu horeyso tan Golaha Deegaanka
Madasha waxaa ka qaybgalay, Wasiiro iyo Xildhibaano ka Tirsan Dowladda Federaalka, Dowladda Koonfur Galbeed qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Xudur gaar ahaan, Odayaasha Dhaqanka, Ururarada Haweenka iyo Dhalinyarada.
Kulankan waxaa soo qabanqaabisay, Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya ayadoo taagero ka heleysa hay’adda ERI/IOM.




