DfS oo ku dhawaaqday iney garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Suuriya

0
11

Jimco, 18 July 2025 {RC}

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay caqabadaha jira iyo dagaalada in lagu xaliyo wada hadal, si looga fogaado dhibaatooyinka la dhasha dagaalka.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay iney xal kasta u aragto in lagu wajahi karo inuu ku saleysnaado is ixtiraam iyo wadahadal, iyadoo la dhowrayo ilaalinta maslaxadda shacabka dalkaasi Suuriya.“Soomaaliya waxaa ay si buuxda u garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee Suuriya, iyadoo taageereysa madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo go’aamada siyaasadeed ee qarankaa” ayaa lagu yiri qoraalka kaso baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Warsaxafadeedkan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, xili Israa’iil ay weerar duqeymo ku qaaday xaruumaha Wasaaradda Difaaca Suuriya iyo meel u dhow madaxtooyada dalkaas, waxaana duqeymahaasi ay geysteen khasaarooyin kala duwan oo naf iyo maalba keh.