Dowladda Soomaaliya oo garab istaag u muujisay shacabka iyo dowladda Suuriya

0
9

Jimco, 18 July 2025 {RC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Suuriya, iyada oo ku baaqday in la ilaaliyo madaxbanaanida iyo midnimada dalkaasi.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay caqabadaha jira iyo dagaallada in lagu xalliyo wada hadal, lagana fogaado dagaal.

“Soomaaliya waxay u aragtaa in xal kasta oo lagu wajahayo caqabadaha horyaalla dalka Suuriya uu ku saleysnaado is-ixtiraam, wadahadal, iyo ilaalinta maslaxadda shacabka Suuriya” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.

Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxaa ay si buuxda u garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee Suuriya, iyadoo taageereysa madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo go’aamada siyaasadeed ee qarankaa”

Hadalka Dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli Israa’iil ay weerar duqeymo ku qaaday xarruumaha wasaaradda difaaca iyo meel u dhow madaxtooyada, iyadoo sheegtay inay difaceyso bulshooyinka Druze ee gobolka.

Sidoo kale, dagaal u dhaxeeya kooxaha Druze iyo Bedouin ayaa ka socda gobolka Suwayda, isaga oo sababay dhimashada boqolaal, halka ay ku dhaawacmeen kumanaan.