Isniin 14 Jully 2025 {RC} Soomaaliya oo ku hadleysay magaca waddamada la isku yiraahdo A3+ (Aljeeriya, Guyana, Sierra Leone, iyo Soomaaliya) ayaa warbixin ka horjeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo muujisay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda Yemen iyo colaadaha ka taagan gobolka.
Soomaaliya ayaa waxay si gaar ah uga digtay isku dhacyada cusub ee u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Israa’iil, kuwaas oo ay ku tilmaantay inay khatar ku yihiin nabadda caalamka, isla markaana si toos ah ula xiriira dagaalka aan xal loo helin ee ka socda Marinka Qaza. A3+ waxay si adag u cambaareeyeen jebinta sharciga caalamiga ah, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka in la gaaro xabbad-joojin degdeg ah oo waarta si wax looga qabto dhibaatada Falastiiniyiinta iyo looga hortago fidinta colaadda gobolka.
Dalalka A3+ waxay carrabka ku adkeeyeen in dhammaan dhinacyada isku haya Yemen ay ku waajibtahay inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimo, gaar ahaan Xeerka Afaraad ee Geneva, islamarkaana laga fogaado militareynta goobaha ay dadku ku badan yihiin.
Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay walaac weyn oo laga qabo xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Yemen, iyadoo la sheegay in cudurrada sida duumada, dengue, iyo shuban biyoodka ay ku furmeen dadka, taasoo cadaadis hor leh saartay nidaamka caafimaadka. Soomaaliya waxay taageertay baaqa OCHA ee ah in si degdeg ah loo gaaro Yemen lana fududeeyo marin u helka gargaarka.