Jimco, 11 July 2025 {RC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Ankara kulan miro-dhal ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Rajab Dayib Erdogan.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo dib-u-dhiska dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga taageerada hagar la’aanta ah ee ay siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in Turkigu yahay saaxiib lagu kalsoonaan karo oo garab istaagay shacabka Soomaaliyeed xilliyo adag oo taariikhi ah.
Dhinaciisa, Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyey in Turkigu sii wadi doonto taageerada uu siiyo Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya ku jirto dadaallo ballaaran oo dib loogu dhisayo hay’adaha dowliga ah, lagu xaqiijinayo nabad waarta, laguna gaarsiinaayo horumar muuqda oo shacabka Soomaaliyeed ay dareemaan.