Dowladda Turkiga ayaa Muqdisho u soo dirtay diyaarad sidda Dawooyin iyo sidoo kale shaqaalle Caafimaad oo loogu tala galay in ay la tacaalaan dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxii ka dhacay Muqdisho.
Rajab Deyib Erdogan Madaxweynaha Dalka Turkiga ayaa amray in diyaaraddaasi ay si deg deg ah ku tagto Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga Ibrahim Khaliil ayaa sheegay in marka ay ku laabaneyso diyaaraddaasi Dalka Turkiga ay qaadeyso Dhaawacyada halista ah ee ka dhashay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in diyaaraddaan ay horudhac ah u taagan tahay gargaarka ay dowladda Turkiga ay ka qeyb qaadaneyso Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.
Dowladda Turkiga ayaa ah dowladdii ugu horeysay oo u soo gurmata dadkii shalay lagu xasuuqay Muqdisho.