Itoobiya oo ku dhawaaqday in la dhammeystiray biyo-xireenka Webiga Nile”

0
8

Jimco, 4 July 2025 {CBB}Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah u shaacisay in la dhameystiray mashruuca weyn ee Biyo-xireenka Webiga Buluugga ah ee Nile, mashruuc muddo dheer khilaaf ka dhex abuurayay dalalka dariska ah ee Masar iyo Suudaan.

Biyo-xireenka, oo loogu magac daray Biyo-xireenka Horumarka Qarniga, ayaa laga bilaabay dhismahiisa sanadkii 2011 iyadoo miisaaniyaddiisu ahayd $4 bilyan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa dhameystirka mashruuca, ku tilmaamay fursad wadaag ah oo aan ahayn halis.

“Farriinteennu waa cadahay Biyo-xireenka maaha khatar, balse waa fursad wadajir loo wada faa’iideysan karo,” ayuu yiri Abiy, isaga oo la hadlayay Masar iyo Suudaan.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in biyo-xireenka uu muhiim u yahay kobcinta baahida tamarta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha, halka dowladaha Masar iyo Suudaan ay ka walaacsan yihiin in mashruucani uu saameyn ku yeelan karo biyaha ee ay ka helaan webiga Nile.