Maxaa Kasoo Kordhay Shirka Udhaxeeyo Mucaaradka iyo Madaxweeyne Xasan?

0
9

Khamiis 3 July 2025 {RC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa mar kale inuu maanta la kulmo xubnaha Mucaaradka ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore, Shariif Shiikh Axmed.

Kulanka oo la cillaamiyay 25 bishii June ayaa ka dambeeyay shir uu Madaxweynaha la yeeshay Madasha Mucaaradka ee ka kooban Madaxweynihii hore, Ra’iisul wasaarayaashii hore iyo Madax kale.

Shirka maanta ayaa la filayaa in looga hadlo khilaafka u dhaxeeya dhinacyada ee la xiriira Dhammeystirka Dastuurka iyo Arrimaha Doorashooyinka oo ah qoddob isha lagu wada hayo.

Lama oga wax yaabaha ka soo bixi kara shirkaan, iyadoo Madaxweyne Xasan Shiikh isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha Mucaaradka Dowladda.

Kulanka wuxuu ku soo aadaya xilli maamulada Puntland iyo Jubbaland ay diidan yihiin nidaamka wax ka badalka Dastuurka dalka iyo jiheynta Doorashooyinka.