Maxay ka wadahadleen RW ku xigeenka Soomaaliya iyo Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Q.M?

0
14

Arbaco, 02 Jully 2025 {RC}Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Sevilla ee dalka Spain kulan doceed kula yeeshay Marwo Amina Mohamed, oo ah Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, xilli uu halkaas ka socdo Shirka Caalamiga ah ee Maalgelinta Horumarinta.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray Xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, Taageerada horumarinta dhaqaalaha dalka iyo Dardargelinta mashaariicda muhiimka ah ee taageera nabadda iyo horumarka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyey Marwo Amina Mohamed doorkii muuqday ee Qaramada Midoobay ka qaadatay taageerada Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo fulinta mashaariicda horumarineed si ay uga qayb qaataan kobaca dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo xasilloonida guud ee dalka.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay xiriirka caalamiga ah u adeegsato kor u qaadista horumarka dalka iyo yareynta saboolnimada.