Sawiro;-Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Gobeedka KGS ayaa Magaalada Baydhabo ku qabatay dood wadaag muhiim ah oo looga hadlayay Islaamka iyo Dowlad Wanaagga.

0
5

Isiin 30 June 2025 {RC}Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Goabeedka   Koonfur Galbeed ayaa Caawa Magaalada Baydhabo ku qabatay dood wadaag muhiim ah oo looga hadlayay Islaamka iyo Dowlad Wanaagga.

Doodda ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin heer sare ah oo ay ka mid yihiin: wasiiro, xilibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed, agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha, culimo, odayaasha dhaqanka, lataliyaha madaxweynaha, dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Mudane Nuur Siidow Baba, ayaa furitaanka doodda ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay muhiimadda ay leedahay in la isweydaarsado aragtiyo ku saleysan fahamka diinta Islaamka iyo dhismaha dowlad wanaagga. Wuxuu hoosta ka xarriiqay doorka ay diintu ku leedahay hanuuninta hoggaan wanaagsan iyo ka shaqeynta maslaxadda guud ee bulshada.
Intaa ka dib, waxaa la guda galay qeybta doodda iyo aragti is-weydaarsiga, iyadoo mas’uuliyiintii kala duwanaa ee ka soo qeyb galay ay si qoto dheer uga hadleen xiriirka u dhexeeya Islaamka iyo dowlad wanaagga. Qaar ka mid ah hadallada laga jeediyey madasha ayaa tilmaamay in Islaamku uu saldhig u yahay maamul wanaag, caddaalad iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.