Ciidanka Booliiska oo sheegay in ay adkeynayaan Amniga inta lagu jiro Maalmaha Xurriyada

0
5

Isiin 30 June 2025 {RC}Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xaqiijinta Amniga, inta lagu guda jiro maalmaha xurriyada gaar ahaan 1 Luuliyo.

Saraakiisha Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in ay si gaar ah u sugayaan amniga guud ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka si looga fogaado falal amni darro.

Sidoo kale, Saraakiisha Ciidanka ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dadaalada lagu sugayo Amniga, wixii amni darro ahna la soo wadaagaan.

Howlgallada Booliiska ayaa ku soo aadaya xilli ay fooda nagu soo heyso munaasabada 1 Luuliyo oo ah markii ay xurnimada qaateen gobolada Koofurta la midowga Gobolada Waqooyi.