Axad 29-June 2025 {RC}Waxaa magaalada Baydhabo si rasmi ah uga furmay kulan heer sare ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfurgalbeed kulankaas oo socon doono mudo 4 maalmood ah.
Kulankan oo muhiimaddiisu tahay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta daneeyayaasha xoolaha ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda, Hon Sandhere Mohamed, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Omar Mohamed Abdullahi.
Kulanka waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda, Hon Sandhere Mohamed isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn ballaaran oo u dhaxeysa hay’adaha dowliga ah, bulshada xoolo-dhaqatada, iyo daneeyayaasha kale, si looga jawaabo baahiyaha jira ee la xiriira caafimaadka xoolaha, helitaanka cawska iyo daaqa, iyo la tacaalidda isbeddelka cimilada.