Chelsea Oo Man United Kula Biirtay Baacsiga Emiliano Martinez, Kooxdee Ayuu Xiddigu Doonayaa?

0
17

Axad 29-June 2025 {RC}Chelsea ayaa loo soo bandhigay fursad ay 45 milyan kula soo wareegto goolhayaha Aston Villa Emiliano Martinez.

Villa ayaa xaqiiqsatay in ay ku qasbantahay in ay iska iibiso xiddiga ku guulaystay koobka dduunka suuqa xagaagan halkii ay xor ku Lumin lahayd waxana ay ogyihiin in Blues ay suuqa ugu jirto No 1 cusub.

Manchester United ayaa lala xiriirinayaa inay xagaaga u dhaqaaqdo 32-sano jirkii hore ee Arsenal, waxaana la aaminsan yahay in Goolhayuhu uu doorbidayo in uu ku biro Old Trafford.

Laakiin tababaraha United Ruben Amorim ayaa muhiimada siinaya xoojinta boosaska kale mudnaantana ma siin doono saxiixa Martinez.

Waxayna taasi albaabka u furtay Chelsea inay sare u qaado dalabkeeda ka dib markii Robert Sanchez iyo Filip Jorgensen ay labadooduba ku guuldareysteen inay wacdaro dhigaan.