Axad 29-June 2025 {RC}Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa fuliyey howlgallo ka dhacay tuulada Maqooqaha ee gobolka Jubada Hoose, qiyaastii 13km galbeed kaga beegan Buulo Xaaji.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa lagu sheegay in ka badan 37 xubnood oo ka tirsan AS lagu dilay howlgalka ka shacay tuulada Maqooqaha.
Sidoo kale, wasaaradda ayaa sheegtay in howlgalka uusan khasaare ka soo gaarin dad rayid ah, lana gaarey ujeedkii laga lahaa.
Ugu dambeyn, qoraalka wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in Ciidanka sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka AS ee ka socda gobolka Jubbada Hoose.
Maalmihii la soo dhaafay ciidanka dowladda ayaa xoojiyay howlgallada ay ka sameynayaan maamulada Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.