Jimco, 27 June 2025 {RC}Guddoomiyaha degmada Waajid ahna Duqa Magaalada Mudane Mohamed Moa’lim Yuusuf ayaa maanta booqasho, dhiirrigelin iyo daryeel u kuurgelid ah ugu tagay cutubyo ka tirsan ciidamada ammaanka ee dhawaan ku dhaawacmay dagaal ka dhacay duleedka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Guddoomiyaha ayaa si dhow ula socday xaaladda caafimaad ee askarta dhaawacantay, isagoo la hadlay maamulka isbitaalka iyo dhakhaatiirta gacanta ku haya daryeelka askarta. Waxa uu muujiyay dareen qiiro leh oo ku aaddan geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen askartu xilli ay wajahayeen weerarro kaga yimid kooxaha argagixisada ama cadowga amniga deegaanka