Kulan Looga hadlay Adkeynta Nabadgeliyada Bulshada Oo Baydhabo ka dhacay

0
8

Jimco, 27 June 2025 {RC}Laamaha Amniga Gobolka Baay ayaa yeeshey kulankoodii Todobaadlaha ahaa ee looga hadlaayey Amniga gobolka , wadashaqeynta booliiska iyo shacabka iyo drdargalin howlaha laamaha Amniga

Shirka waxaa ka soo qeybgalay taliska Taraafikada Gobolka Baay, Saldhiga degmada Baydhabo, baraha kontaroolka, iyo saraakiil ka tirsan Booliska Ghana ee howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika (AUSOM). Waxaa lagu falanqeeyay xaaladda amni, caqabadaha jira, iyo xoojinta wada-shaqeynta laamaha kala duwan.