Rwanda iyo DRC Congo oo heshiis ku kala saxiixanaya dalka Mareykanka

0
8

Jimco, 27 June 2025 {RC}Dowladaha Rwanda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa lagu wadaa in ay maanta ku kala saxiixdaan magaalada Washington heshiis lagu soo afjarayo colaad ay ku geeriyoodeen kumanaanka ruux, taasi oo ka socota Bariga DRC.

Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Tommy Pigott, wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal ayaa heshiiska ku saxiixi doona Washington, waxaana goob joog ka noqon doona Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale shaaciyay in madaxweyne Donald Trump uu la kulmi doono wasiirrada labada dal oo uu ku qaabili doono xafiiskiisa Oval Office.

Bayaan wadajir ah oo ay si horudhac ah u soo saareen saddexda dal ka hor saxiixa heshiiska ayaa lagu sheegay in heshiisku uu ka koobnaan doono ixtiraamka madax-bannaanida dhuleed iyo joojinta dagaalka.

Sidoo kale, labada dal ayaa ku heshiin doona in hubka laga dhigo dhammaan kooxaha hubeysan ee aan dowliga ahayn.

Heshiiska ayaa ku soo aadaya xilli Rwanda ay diiday in kiiska labadad dal ay qaado Maxkamadda Afrika ee ilaalinta xuquuqda Binu aadanka.