Iiran oo qirtay in burbur loo geystay xarumaha nukliyeerka Iiran.

0
5

Jimco, 27 June 2025 {RC}Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, ayaa qiray in wax uu ugu yeeray burbur xooggan loo geystay goobaha Nukliyeerka ee dalkaasi, ka dib duqeymihii dhawaan ay halkaas ka geysteen Mareykanka iyo Israa’iil.

Abbas Araghchi waxa uu sheegay in ururka tamarta atomiga ee Iran uu waday qiimayn.

Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo Washington ay ku adkeysatay in weerarradeeda ay baa’biiyeen hammigii nukliyeerka ee Tehran.

Hogaamiyayaasha sare waaxyada difaaca iyo sirdoonka ee Maraykanka, ayaa warbixin siinayay dhammaan boqolka senetarada dalkaas.

Jamhuuriyiinta waxay sheegeen inay caddahay in lagu guuleystay duqaymahii cirka.