Taliyaha Cusub ee Qeybta 60aad oo si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Baydhabo

0
39

Khamiis 26 june 2025 {RC}Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha cusub ee Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Maxamed Yariisow, ayaa maanta si rasmi ah u soo gaaray magaalada Baydhabo, ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wafdiga Taliyaha ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, iyadoo ay halkaasi ku sugnaayeen saraakiisha Qeybta 60aad, masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, iyo xubno kale oo muhiim ah. Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa halkaasi salaan sharaf kaga qaaday wafdiga taliyaha cusub.

Kadib munaasabadda soo dhaweynta, waxaa Taliyaha cusub iyo wafdigiisa si rasmi ah loogu galbiyey Xarunta Taliska Qeybta 60aad ee magaalada Baydhabo. Halkaas ayuu si diirran ugu soo dhaweeyey Taliyihii hore ee Qeybta, General Xasan Baydhabo, oo xilka wareejinaya.

Munaasabadda waxaa hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyey Kaaliyaha Qeybta 60aad, Gaashaanle Dhexe Cali Xabad, iyo General Xasan Baydhabo, iyaga oo muujiyey kalsoonida ay ku qabaan hoggaanka cusub iyo in howlaha amniga ay si wadajir ah u sii wadi doonaan.

Ugu dambeyn, Gaashaanle Sare Maxamed Yariisow, Taliyaha cusub ee Qeybta 60aad, ayaa uga mahadceliyey dhammaan saraakiisha iyo maamulka Koonfur Galbeed sida sharafka leh ee loo soo dhaweeyey, isagoo ballanqaaday in uu si hufan u gudan doono waajibaadka qaran ee loo igmaday, isla markaana uu xoojin doono dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta Al-Shabaab iyo sugidda amniga guud ee gobolka.