Sabti 19, April-2025 {RC} –Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar hoobiyeyaal ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir. Sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal, hoobiyeyaashu waxay ku dhaceen degmooyinka Waaberi, Xamar Jajab iyo Xamar Weyne.
Marka la eego wararka hordhaca ah, hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay goobo ay dad rayid ah ku noolyihiin, iyadoo la xaqiijiyay in ugu yaraan hal qof uu ku dhaawacmay weerarkaasi.
Qaar ka mid ah hoobiyeyaasha ayaa laga maqlay xaafado kala duwan oo ku yaalla gudaha magaalada.
Ilaa iyo hadda, ma jirto wax faahfaahin rasmi ah oo ay bixiyeen laamaha amniga ee gobolka Banaadir, mana cadda tirada rasmiga ah ee hoobiyeyaasha dhacay. Sidoo kale, lama oga cidda ka dambeysay weerarkan.