Golaha Shacabka oo maanta kulan ku leh Villa Hargeysa

0
11

Sabti 19, April-2025 {RC} –Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa, kadib markii ay muddo ku maqnaayeen fasaxa Bisha Ramadaan iyo Munaasabadda Ciidul Fitriga.

Xoghayaha Golaha Shacabka ayaa farriin wargelin ah u diray mudanayaasha, isagoo ka codsaday inay kasoo qeyb galaan kulanka si loo buuxiyo kooramka fadhiga. Inkastoo ajendaha kulanka aan si rasmi ah loo shaacin, haddana waxaa la filayaa in uu la xiriiro doodaha socda ee ku saabsan Dastuurka iyo jiheynta doorashooyinka dalka.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka, iyadoo Xildhibaanada labada Aqal ay si wadajir ah uga doodayaan arrimo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.