Muqdisho oo saakay ka bilaabatay diiwaangelinta Codbixiyaasha Doorashada qof iyo codka ah.

0
10

Talaado 15, April 2025 {RC} Waxaa saakay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Shingaani si rasmi ah uga bilaabatay is-diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada golaha deegaanka ee la filayo in magaalada Mqdisho ka qabsoonto bisha Juun ee sannadkan.

Xarunta degmada Shangaani, waxaa saakay ka socota is-diiwaangelin ay sameenayaan qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmadaasi, kuwaa oo doonaya in ay codkooda kusoo doortaan cidka maamul ahaan ku mataleysa degmada.

Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir, guddiga doorashada iyo qaar kamid ah hoggaanka ururada siyaasadda ayaa ku sugan goobta ay ka bilaabatay is-diiwaangelinta, kuwaa oo dadweynaha ugu baaqayay in ay isku-diiwaangeliyaan sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala, ayaa sheegay in saakay ay tahay maalin taariikhi ah, uu tilmaamay in muwaadiniinta magaalada Muqdisho kunool ay isku-diiwaangelinayaan in codkooda ku go’aamiyaan mustaqbalkooda.

”Saaka waa subax taarikhi ah, Muwaadiniinta Caasimadda waxeey isku diiwaangalinayaan inay codkooda ku go’aamiyaan mustaqbalkooda, waa in aan lagu eegin aragti gaaban, balse laga eego Aragti togan oo indheer garad ah.alle ayaa mahadsan” ayuu yiri Wasiir Al Cadaala.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo kaliya u harsan tahay muddo hal sano ah, ayaa sheegeysa in ay qabaneyso doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhacda, halka siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulada qaar aaminsan yihiin in xilligan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah.