Arbaco, 09, April 2025 {RC} Dowladda Mareykanka iyo Israa’iil, ayaa ka shaqeenaya in magaalada Qasa ee dhulka Falastiin laga dhigo magaalo ka caagan dadka shacabka ah, waxa ayna labadan dal waqti ku bixinayaan sidii loo barakacin lahaa shacabka wali ku harsan magaaladaasi qeybo kamid ah.
Magaalada Qasa , hadda inteeda badan waxaa laga dhigay mid la burburiyay, waxaa sidoo kale la xasuuqay in ka badan 50-kun oo qof oo shacabka magaaladaasi kamid ahaa, xasuuqa ayaana hadda ah wali mid halkiisa kasii socda.
Dowladda Indonesia oo ah dalka Muslim ah ayaa shaaciyay in ay soo dhaweenayaan dib u dejina u sameenayaan qaar kamid ah shacabka kasoo barakacaya magaalada Qasa, si nolol ka duwan midii halkaasi ku heesatay u helaan.
Madaxweynaha dalka Indonesia Prabowo Subianto, ayaa sheegay in dalkiisa diyaar u yahay martigelinta ku dhawaad 1,000 Falastiiniyiin ah wejiga koowaad ee hindisahan, waxa uuna si gaar ah u xusay in lasoo dhaweenayo dadka dhibanayaasha ah.
Prabowo Subianto ayaa faray wasaaradda arrimaha dibadda in ay wadahadal degdeg ah la yeelato dhinacyada Falastiiniyiinta iyo kuwa caalamiga ah ee ku saabsan habka “ka daadgureynta dadka ay dhibaatadu saameysey si loogu soo qaado Indonesia.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha in wajiga koowaad diyaar u yihiin inay ku qaabbilaan , dadka dhaawacyada culus qaba iyo sidoo kale carruurta agoonta ah, iyagoo siinaya daryeelka lagama maarmaanka ah ilaa ay si buuxda uga soo kabanayaan dhaawacyadooda. Waxay markaas awood u yeelan doonaan inay ku laabtaan Qasa marka xaaladdu soo hagaagto, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.
Dalal badan oo horey loogu soo nandhigay in ay qaabilaan shacabka magaalada Qasa ayaa iska diiday, waxa ayna sheegeen in dalalkaasi oo Soomaaliya ku jirto in aysan raali ka aheyn in shacabka magaalada Qasa dhulkooda si xoog ah looga barakiciyo.