Arbaco, 09, April 2025 {RC} Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey degmada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan AS.
Howlgalka ayaa isugu jiray duqeymo cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen saaxiibada caalamka iyo ciidamada dowladda, iyo weerarro dhulka ah oo ay Danab ay fuliyeen.
Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay Intii uu socday Howlgalka in lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsanaa AS, waxaana la burburiyey saddex gaari, oo labo ay ahaayeen gaadiid dagaal, mid kalena uu ahaa Ambalaas u adeegayay ujeeddooyin militari.
Xubnaha la dilay howlgalka ayaa waxaa kamid yahay Bashiir Axmed Dhuxul (Bashiir Caadle), oo ahaa Madaxii Dacwada AS ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegeen saraakiisha Amniga.
Taliska CXDS ayaa sheegay in howlgalkaan uu qeyb ka yahay dhaqdhaaqyada ka dhanka ah AS ee ka socda deegaannada maamulka Hirshabeelle.