R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si rasmi ah xaqiijiyey in uu tagayo magaalada Laascaanood ee caasumada SSCKHAATUMO, wuxuuna sheegay in booqashadiisa ay Midnimada dalka xoojinayso.
“Booqashada aan ku tegayo Laascaanood waa mid qorsheysan hallaga war sugo xafiiskeyga, ma aha mid wax u dhimieyso deegaan gaar ah” ayuu yiri R/Wasaare Xamse.
R/wasaaraha ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan u diyaarsanyihiin inay soo arkaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Laascaanood, isagoo ugu mahadceliyey reer Khaatumo niyad wanaagga ay u qabaan socdaalka wafdiga Xukuumadda ee deegaannada SSC Khaatumo.
Hadalka R/wasaare Xamse ayaa imaanaya xilli maalmo ka hor maamulka SSC-KHAATUMA uu sheegay in wafdiga R/wasaaraha ay tagi doonaan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.