Shabakado Isku Xiran oo Gawaari Wata oo Xoolo Xadaya Gobolka Shabeellaha Hoose

0
4

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa soo ifbaxaya shabakado isku xiran oo ku howlan xatooyada xoolaha, kuwaas oo isticmaala gawaari waaweyn si ay u xadaan lo’yo, arigo iyo geel. Shabakadan ayaa la sheegay inay marka ay xadaan xoolaha, isla markiiba ay gooracaan ka dibna hilibkooda ku raraan gaadiid si aysan loo ogaanin xoolaha ay xadeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxahani aysan badbaadinta xoolaha raadin, balse ay yihiin kuwa ujeedooyin xun xun leh, iyagoo xoolaha u qaaday si qarsoodi ah. Ariga, lo’da iyo geela ayaa la sheegay in mid kastaaba uusan ka badbaadeyn xatooyada ay kooxahani ka geystaan gobolka.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ee la hadlay warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in kooxahani ay aad ugu qowleeyaan degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda, halkaasoo ay ku faafiyaan falalka xatooyada. Wuxuu sidoo kale sheegay in ay jiraan cabashooyin xooggan oo ka imaanaya xoolaleyda gobolka, kuwaas oo si joogto ah ugu baaqaya in laga hortago falalka xunxun ee shabakadan.

Cabashada ka soo yeeraysa xoolaleyda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo aadaya xili dhaqaale yari xoog leh ay soo wajahday dadka danyarta ah ee ku nool gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan dadka ku tiirsan xoolaha inay ka helaan nolol maalmeedkooda. Xoolaha ayaa ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dadka ku nool deegaanada qaar, waxaana xatooyada noocan oo kale ahi ku keentay dhibaatooyin xagga nololsha ah oo sii xumaanaya.

Dadka deegaanka ayaa ku baaqaya in la qaado tallaabooyin adag oo lagu xakameynayo shabakadaha xoolo xadaynta, isla markaana si deg deg ah loo soo qabto kuwa ku lugta leh falalkan, si loo xaqiijiyo amniga iyo badbaadada dadka iyo xoolahooda.