Wasiir Fiqi oo Masar la Wadaagay Heshiiskii Soomaaliya ay la gashay Itoobiya

0
24
Wasaaradda Arrimaha dibadda Masar ayaa shaacisay in wadahadalka labada Wasiir lagu soo qaaday xiriirka istiraatijiga ah ee Masar iyo Soomaaliya, iyo dhadooyinkii ugu danbeeyay kadib shir-madaxeedkii saddex geesoodka ahaa ee Asmara ku dhex maray madaxweynayaasha Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya 10-kii Oktoobar 2024.
Wasaaradda ayaa sheegay in Wasiir Fiqi uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar uga warbixiyay qodobbadii ka soo baxay Shirkii Ankara ku dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo sheegay inay ka go’an tahay in la ixtiraamo Qaranimada iyo Midnimada dhulkeeda.
Wasiirka Arrimaha dibadda Masar BadarAbdel Aty ayaa xaqiijiye in Masar ay si buuxda ku garab taagan tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, la dagaalanka argagixisada iyo xaqiijinta amniga iyo xasiloonida.
Labada wasiir ayaa isku afgartay diyaarinta shir heer wasiir ah oo dhex mara wasiirada arrimaha dibadda Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya.