Israa’iil oo Duulaan Millateri ku qaaday Suuriya iyo Xaalad adag oo taagan

0
31

Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in howgal millateri ay ku gashay gudaha dalka Suuriya, meel 25 km koonfur-galbeed magaalada Damaskus kaga began ayay haatan ku sugan yihiin Dabaabaadka Yuhuudda, sida ay sheegeen ilo amni oo ka tirsan Suuriya.

Israa’iil ayaa qabsatay aag bafaaska ee koonfurta Suuriya, waxaana duqeymo hawada ah ay ku beegsadeen saldhigyada ciidamada Suuriya iyo saldhigyada diyaaradaha.

Howlgalka milatariga Israa’iil ee Suuriya ayaa yimid laba maalmood ka dib markii isbedel degdeg ah oo ay fuliyeen xulafada kacdoonayaasha ee riday madaxweyne Bashar al-Assad, taasoo keentay in dadweynaha Suuriya, dalalka gobolka iyo awoodaha caalamiga ah ay ka walwalsan yihiin waxa ka socda dalkaasi.

Ilo amni oo ka tirsan Suuriya ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay gaareen magaalada Qatana, oo ku taalla 10 km gudaha Suuriya, bariga aagga aan hubka la hayn ee kala qaybiya Golan Heights ee Israa’iil iyo Suuriya.

Milatariga Israa’iil ayaa ka gaabsaday inay wax faallo ah ka bixiyaan arrintan.

Israa’iil ayaa sheegtay in aysan ka qayb qaadan doonin colaadda Suuriya iyo in qabsashadeeda aagga bafaaskan balse ay tahay tani tallaabo difaac.

Mas’uuliyiin ka socota Masar, Qatar iyo Sacuudiga ayaa cambaareeyay howlgalkan. Sacuudiga ayaa sheegay in tallaabadan ay “baabi’inayso fursadaha Suuriya ee soo celinta amniga.”

Ilo amni oo ka tirsan gobolka iyo saraakiil ka tirsan ciidamadii Suuriya ee hadda dumay ayaa sheegay in duqeymo hawada ah oo culus ay sii socdeen habeenimadii xalay, kuwaas oo lagu beegsanayay xarumaha milatariga iyo saldhigyada diyaaradaha ee guud ahaan Suuriya, iyagoo burburiyay boqolaal helikobtarro iyo diyaaradihii dagaalka, iyo sidoo kale hantida Gaashaanbuurta Jamhuuriyadda ee ku sugan gudaha iyo agagaarka Damaskus (Dimishiq).

“Qofna ma uusan filayn, xitaa xubnaha golaha. Sidaas darteed, waa inaan sugnaynaa, fiirinnaa… oo qiimeynaa sida xaaladdu u horumari doonto,” ayuu yiri Safiirka Ruushka ee QM, Vassily Nebenzia, oo ka hadlayay xaaladaha kasoo cusboonaaday Suuriya.