Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo is casilay.

0
819

Safiirkii Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya Amb. Stephen M. Schwartz, ayaa is casilay, iyadoona is casilaadiisa lagu soo wargeliyay Safaaradda Soomaalida ee Magaalada Washington.

Safiirka, ayaa waxaa la sheegay inuu isu casilay sababo ku aadan arrimo isaga u gaar ah, mana jirto faah faahin intaasi ka baxsan oo laga ogyahay is casilaadiisa.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xaqiijiyay is casilaadda Safiirkii Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo xusay in is casilaadiisa la soo ogeysiiyay laba cisho ka hor.

Danjire Axmed Ciise Cawad oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee VOA, ayaa tilmaamay in Safiirka uu isu casilay arrimo isaga u gaar ah.

Amb. Schwartz, ayaa noqday Safiirkii ugu horeeyay ee Mareykanka uu u magacaabo Soomaaliya, tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Dhexe Militariga.

W/Dh.Wariye Nuuradiin Nadka