300 oo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Jubbaland oo ku Biiray Ciidanka Xoogga Dalka

0
61

In ka badan 300 askari oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Beledxaawo. Ciidamadaasi waxaa hoggaaminayay saraakiil sare oo ka tirsanaa Jubbaland, kuwaas oo warbaahinta kula hadlay goobta ay isku soo dhiibeen.

Saraakiisha iyo qaar ka mid ah askarta ayaa sheegay in sababaha ay uga baxeen Jubbaland ay ka mid tahay cabashada mushaaraadka iyo xuquuqda oo aanay helin muddo dheer. Waxay sidoo kale tilmaameen inay doonayaan in ay si rasmi ah ula shaqeeyaan Ciidanka Xoogga Dalka si ay uga qeyb qaataan dib u xoreynta iyo sugidda amniga deegaannadaas.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Beledxaawo ayaa si diiran u soo dhaweeyay ciidamada cusub, iyaga oo sheegay in tani ay tahay guul u soo hoyatay howlgalka Dowladda Federaalka ee gobolka.

Wararku waxay intaas ku darayaan in is-dhiibidda maanta ay tahay tii ugu badneyd ee ka dhacda Jubbaland, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan ciidamada ka tagaya Jubbaland kuna biiraya Dowladda Federaalka.

Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland oo muddo soo jiitamayay ayaa hadda maraya heerkii ugu xumaa, iyadoo Dowladda Federaalka ay saldhig weyn ka samaysatay deegaanka Raaskaambooni si ay u xoojiso joogitaankeeda gobolka.

Wararkaan waxa ay muujinayaan isku-dhacyada siyaasadeed iyo amni ee ka jira Jubbaland iyo saameynta ay ku leeyihiin dagaalka dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya.