madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa kulan la qaatay xubno ka socday IGAD oo ka mid ahaa Wafdi shalay gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug.
Xubnaha IGAD ka socday, ayaa kulan gaar ah Madaxtooyadda Galmudug waxa ay kula qaateen Madaxweyne (Xaaf) iyo Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, maadaama labadaasi masuul ay yihiin kuwa isku dhinac ah.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug, ayaa Warbaahinta u sheegay in Xubnaha IGAD ay isku dayeen inay ka dhaadhiciyaan madaxdaan sidii ay ugu qanci lahaayeen go’aankii Maxkamadda Sare ee Galmudug oo ku aadan in xilka ka qaadistooda ay tahay mid sharci ah.
Madaxweyne (Xaaf) iyo Xareed Cali Xareed ayaa u sheegay Xubnihii ka socday IGAD in aanan xilka laga qaadin, sidoo kalena ay yihiin madaxda sharciga ah ee Galmudug.
Sidoo kale maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in xubnaha IGAD ka socda ay kulan la qaataan Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Cali Gacal Casir.
Madaxda Galmudug oo khilaaf xoogan ka dhaxeeya ayaa khilaafkooda wuxuu noqday mid cirka isku shareeray oo illaa hadda xal buuxa loo la’yahay.
Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheeda ka daawanaysa waxa ka socda deganada Galmudug, waxayna arinta u muuqata inay ku qanacsan tahay Dowladda dhexe khilaafka ka dhex taagan Maamulka Galmudug.
W/Q Wariye Nuuradiin Nadka