Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Jubbaland oo Muqdisho lagu dilay

0
250

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo guud ahaan shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa ku geeriyooday rasaas ay ku fureen kooxo hubaysan isagoo kasoo baxay masaajid uu ku tukaday Saladii makhrib ee Caawa.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo janadii fardowso ehelkii iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee uu ka baxayna rabi samir iyo iimaan ka siiyo.