Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho Maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Garoonka Magaaladaasi.
Mid ka mid ah Ilaalada Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ayaa toogasho ku dilay Taliyihii ciidamada garoonka diyaaradaha ee magaaladaas Cabdisalaan Sanyare iyo mid kamid ah Askarta oo ku sugnaa gudaha garoonka.
Saraakiisha Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay ninkii Falkaasi ka dambeeyay.
Warar ay heshay RadioCadaado. ayaa sheegaya in taliyaha iyo ninka falka geystay ay isku khilaafeen arimo maaliyadeed.