Xaalada Magaalada Cadaado ayaa maanta dagan kadib mudo saacado ah oo kasoo wareegatay xilal laga qaaday Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Barlamaanka.
Amaanka Magaalada ayaa dib u soo laabtay waxaana Banaanka la geeyay Ciidan mar gudaha u soo galay Magaalada.
Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Carabey iyo Xulafadiisa ayaa dhankooda xaalka ku xunyahay kadib xil ka qaadista iyo foodadi oo leesku fahmay lakin dhankooda waxay ku adkeesanayaan in xilka ka aaadeen madaxweynaha.
Waxaa leesku fahmay qorshaha Dowlada Somaliya ee ahaa in xilka laga qaado madaxweynaha lagana taqluuso madama aysan dhicin in guul laga gaaro xil ka qaadistiisa.
Ugu danbeyb ma jirto xal iyo waan waan socota lama oga waxa isbadali kara saacad kasta marka marka laga reebo in xaalada ay tahay mid cakiran.
Barlamaanka Galmudug ayaa labada dhinac u kala jabay taasi oo muujineysa in xaalada faraha kasii baxeyso oo aan waxba leeska qaadi karin.