Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed

0
96

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxaamuud ayaa maanta Baydhabo ka furay shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.

Shirka sidoo kale waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Siyaasiyiin, Odayaasha Dhaqanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Shitka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeya siyaasiyiinta Koonfur Galbeed iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.