Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir ayaa gordhaweyd toogasho ku dilay mid kamid ah rag la sheegay inay ahaayeen burcadda hubaysan ee dadka dhaca u geesta, kaas oo ay cabasho ka muujiyeen dadka Shacabka.
War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in Ninka hubeysnaa xiliga la toognayay uu la dagaalamay Ciidanka Ammiga ee qabtay, balse Ciidamada ay ku guuleysteen inay soo afjaraan
“ Ciidanka ayaa burcadkaan ku qabtay xaafada Carafaat isaga oo ka dhaga adeegay amarka Ciidanka Ammiga kadibna isku dayay inuu baxsado, waxa uu watay Moota nuuca Bajaajta ah oo ay hadda hayaan ciidanka Amaanka ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Taliska