Wafdi uu hogaaminaayo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxmuud ayaa Maanta lagu soo dhoweeyey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Cabdifataax Mahad Cabdirahmaan, Maareyaha Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud Salaad Mohamed Muktaar, Siyaasiyiin, Sarakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan Bulshada ayaa wafdiga Baydhabo kusoo dhoweeyey.
Agaasime Hussein Sheikh Mohamuud ayaa socdaalkiisa Baydhabo ku qotama hordhaca Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyada iyo ka qeybgalka Shirka Dib-uheshiisiinta Koonfur Galbeed.