Ciidamada dowladda oo ku dhawaaday degmada Xarardheere & howlgallo ka socda

0
110

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada degaanka ayaa howlgallo xoogan ka wada degaano katirsan Gobolka Mudug oo qaarkood ay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay ku dhawaadeen degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaas oo Saraakiil katirsan Ciidamada dowladda ay sheegeen inay isaga baxeen Al-Shabaab.

Wararka kale ee la helay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay ku amreen dadka Shacabka ah inay Magaalada isaga baxaan, waxaana Maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Ciidamo aad u farabadan ay kusii qul qulayeen degaano u dhow degmada Xarardheere, waxaana Ciidamada howlgallada wada kamid ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland.