Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal uga jirta sidii ay u baajin laheyd shirka lagu wado in uu ka furmo Magaalada Kismaayo.
Shirkaan ayaa lagu waddaa in uu dhex maro Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana Martigelinaya Madaxweynaha Jubbaland.
Waxaa looga hadlaya Khilaafka soo gala dhexgalay dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda.
Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay Saacadihii lasoo dhaafay in ay yeesheen kulamo looga hadlaayay baajinta Shirkaasi oo suurta gal ah in uu xaaladda sii xumeeyo.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in uu marti gelin doono Shir u dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyadda si xal looga gaaro khilaafka soo shaacbaxay.
Madaxda maamulada ayaa dowladda ka qaatay Go’aan mid ah ka dib markii lagu eedeeyay Xukuumadda Xasan Cali Kheyre in ay faragelin ku heyso maamulka Galmudug, waxaana Madaxweynayaasha maamulada ay taageereen Axmed Ducaalle Geelle.