Dowlada Somalia ayaa shaacisay caawa in Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah lagu dilay hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al-shabaab
Hawlgalkan ayaa ka dhacay degaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe 01-10-2022 sida lagu qoraal caawa ka soo baxay wasaarada warfaafinta Somalia
“Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir ayaa ahaa Madaxa Dacwada ee Kooxda waana mid ka mid ah kuwa ugu sharta badan Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.
Horay wuxuu u soo noqday Madaxa Shuurada iyo Maaliyadda, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaasha kooxda, waana shakhsiga ay argagixisada u diyaariyeen in uu badalo Horjoogaha bukaanka ah ee Khawaarijta Shabaab ee dhiigga Islaamka baneystey, Axmed Diiriye” ayaa sidoo kale lagu yiri War saxaafadeedka
Hogaamiyahan oo madixiisa ay saarnayd lacag ayaa ka mid ahaa kuwa ay sida wayn u doon-doonaysay Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah, waxaana ugu dambeyn soo helay sirdoonka qaranka ee Somalia, NISA sida lagu sheegay War saxaafadeedka.